|
Muqdishu,(Insidesomalia.org)- kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshaan Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayay kaga hadleen arimaha ka taagan Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay xasuuq ka gaysteen Caasimada Labadii maalmod ee lasoo dhaafay nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedka oo soo gaaray Insidesomalia.org ayaa u qornaa Sidan.
KU: Qaramada Midoobay
KU: Jaamacada Carabta
KU:Midowga Afrika
KU :Ururka Islaamka
KU Midowga Yurub
Ujeedo: Qayladhaan.
Shir ay maanta ay isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ay kaga hadleen Xasuuqii ay gaysteen Ciidamada Itoobiya Taariikhdu markii ay ahayd 19/04/2008 ilaa maanta oo ay Taarikhdu Tahay 21/04/2008 oo ay ka gaysteen magaalada Muqdisho.
Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye wuxuu cadaynayaa, in Ciidamada Itoobiya ay Xasuuq ba’an u gaysteen shacabkii daganaa magaalada Muqdisho.
Xasuuqaas oo isugu jira Gowrac, kufsi,dhaawac, Barakicin Cusub, Afduub, Bur burin hanti shacab iyo Madaafiic aan loo meel dayin oo ay ku garacayeen gobihii ay daganaayeen dadka rayidka ah, iyagoona ugu galay masaajidyada, Guryaha iyo Goobaha Ganacsiga,islamarkaana afduub u haysto dad fara badan oo rayida oo ay ku jiraan arday sida ayagoo Masaajidka Al Hidaaya ku gowracay Culamaa’udiinkii masaajidka, iyagoo dhac u gaystay Goobihii ganacsiga.
Waxaan cadaynaynaa in Ciidamada Itoobiya ay xasuuqeen dad rayida oo gaaraya 180 Ruux in ka badan, islamarkaana dhaawacay in ka badan 300 oo ruux oo rayida ah walina ay sii wadaan xasuqii ay u gaysanayeen dadka rayidka ah, taas oo ay beegsanayaa Ciidamada Itoobiya Beelo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Degan magaalada Muqdisho, islamarkaana ay doonayaan inay isirsifeyn ku sameeyaan Beelahaasi.
Ugu Danbayntii Golaha dhaqanka iyo Midnimada hawiye wuxuu nasiib daro u arkaan, iyadoo Ciidamada Itoobiya oo xasuuq u gaysanaya shacabka Soomaaliyeed in Ra’isul wasaare Nuur Cadde uu ku tilmaayay in Ciidamada Itoobiya ay isdifaacayaan, taasoo carqalad ku abuurayso hanaanka Dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed
Maxamed Xasan Xaad
Gudoomiyaha Golaha Ddexe & Midnimada Beelaha Hawiye
|